Muqdisho, 18 Sebteembar 2025 –Media Women Network (MWN) ayaa tiro gabdho ah usoo xirtay tababbar/kooris soconayey muddo lix bilood ah. Koorsadaan ayaa lagu baranayey aas-aaska cilmiga saxaafadda (JOUR 101).
Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socday bahda saxaafadda, oo ay ku jireen wakiillo ka kala socday ururrada warbaahinta, xarumaha warbaahinta iyo jaamacadaha dalka, kuwaas oo bogaadiyay dadaalka MWN iyo ardayda dhammaysay tababarka.
Tababarkaan oo ahaa mid lagu qaadanayey hab online ah, markii lasoo xayeysiiyay waxaa codsaday in ka badan 20 gabdhood, kala xulis iyo hubin waxaa koorsada bilaabay gabdhihii diyaarka u ahaa kuwaas oo dedaalkooda iskugu geeyey sidii ay aqoon uga kororsan lahaayeen.
Gabdhahan oo ahaa dufcaddii labaad ee ka baxda koorsadan, ayaa lagu baray xirfadaha aasaasiga ah ee saxaafadda, oo ay ka mid yihiin qorista wararka, warbixinta, anshaxa iyo isticmaalka warbaahinta dijitaalka ah. Tababarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee saxaafadda iyo warbaahinta.
Furitaankii xafladda waxaa munaasabadda kalmad ka jeedisay Shamso Abdirahman, Agaasimaha Media Women Network (MWN), iyadoo sheegtay muhiimadda uu tababarku u lahaa gabdhaha ka faa’iidaystay iyo sida uu ugu diyaariyay xirfado muhiim ah oo ay ku wajahaan suuq shaqo iyo mustaqbal suxufinimo.
Dadka ka hadlay munaasabadda waxaa kamid ahaa Farxiyo Maxamed Khayre, Guddoomiyaha Somali Women Journalists Organization (SWJO), ayaa ku hambalyeysay gabdhaha dadaalkii iyo kartidii ay muujiyeen muddadii tababarka. Waxay ku dhiirrigelisay inay sii wataan halganka iyo horumarinta xirfaddooda saxaafadeed.

Intii tababarku socday, gabdhaha waxay heleen fursado shaqo ku tababarasho ah oo ay ku sameenayeen sheekooyin iyo wareysiyo. Sidoo kale, waxay soo saareen sheekooyin iyo warbixino lagu daabacay Weris Podcast, oo ah barnaamij ay leedahay Media Women Network (MWN).
Cabdi Shakuur Cali Ahmed, Agaasimaha Istaraatiijiyadda ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, ayaa xusay in gabdhaha warbaahinta ka shaqeeya ay aqoon ahaan is dhistaan ay tahay guul weyn oo mudan in lagu farxo, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wataan barashada iyo hal-abuurka. Munaasabaddan ayaa ahayd mid muujisay guusha gabdhaha dhammaystay tababarka iyo sida ay MWN uga go’an tahay kor u qaadista xirfadaha haweenka ku jira warbaahinta. Waxaa lagu adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado barnaamijyada tababarka oo la ballaariyo, si haween badan oo Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan inay kaalin muuqata ka qaataan warbaahinta dalka.









