Sanad walba laga billaabo 25 bisha November illaa iyo 10-ka bisha December waxaa loo asteeyey 16-ka beri ee laga hadlo tacaddiyada haweenka iyo gabadhaha.
Media Women Network ayaa soo qaban qaabisay dood cinwaankeedu yahay saamaynta isbadalka cimilada ay ku yeelatay haweenka.
Abaaraha soo noqnoqday, fatahaadaha iyo colaado ka dhashay ayaa sababay in kumannaan qoys ay ku xeroodaan magaalooyinka si ay u helaan cunto. Inta badan waxay degaan xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacay, halkaas oo ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo uu ka mid yahay kufsiga.
Doodda ayaa waxaa ka qaybgalaya Dr. Nadiifo Sheekh Cumar oo ah la taliyaha madaxweynaha ee dhanka jinsiga iyo xuquuqul insaanka, Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye oo ah madaxa mashaariicda ee Media Women Network iyo Sacdiyo Nuur Ciid oo ah weriye ka shaqeeya magaalada Muqdisho.
Haddaba halkan ka dhegeyso doodda oo lagu billaabay Nadiifo Sheekh Cumar oo ka hadlaysa sharciyada iyo tacaddiyada.
Qaar ka tirsan weriyayaasha magaalada, agaasimayaasha iyo dadka kale ayaa ka qaybgalay aaska. Alle ha u naxariisti weriye Maxamed Ciise Koonaa ayaa shalay ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgayska Soobbe. Sida uuu sheegay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dad gaaraya boqol qof ay ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen 300 oo qof. Waxaa jira weli dad la’ayahay geeri iyo nolal.