Maanta oo kale 21 September sanad kasta waxaa caalamka laga xusaa maalinta caalamiga ahee Nabadda.
Nabaddu waa shey aadanuhu u baahan yahay meel kasta uu joogo. Hal ku dhegga sanadkaan 2022 waxa uu yahay Joojinta cunsuriyadda iyo dhisidda Nabadda.
Hadaba waa maxay Doorka warbaahinta Dalka ay ka qaadan karaan dhisidda Nabadda.
MWN
Galmudug: Tababbarka kor loogu qaadayo aqoonta haweenka warbaahinta oo ka fumray Dhuusamareeb
Galmudug: Tababbarka kor loogu qaadayo aqoonta haweenka warbaahinta oo ka fumray Dhuusamareeb
Shabakadda Media Women Network, ayaa maanta (14-Agoosto-2022-ka) 12 haween ah uga furtay magaalada Duusamareeb tababbar aqoontooda warbaahineed kor loogu qaadayo laguna barayo maamulka iyo hogaaminta xarumaha iyo ururrada warbaahinta ee Soomaaliya.
Tababbarkan ayaa qaybka ah tabbbarro la xiriira kordhinta tirada haweenka ee warbaahinta gaar ahaan dhinaca maamulka iyo hogaaminta oo ay sanadkan magaalooyin kala duwan ay ku qabanayso MWN. Carrashada labarayo waxaa ka mid ah maamulka iyo hogaanka, qorashayaasha qofeed, hormarinta xirfadeed iyo kuwa kale oo muhiim ah.
Haweenka ka qaybgalaya ayaa ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee warbaahinta ku taallada deegaannada Galmudug gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Gurceel.
Barnaamijkan oo ay fulinayo MWN, ayaa waxaa taageeray hayádaha IMS iyo Fojo.
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle oo furay tababbarka ayaa sheegay in tababbarrada noocaan oo kale ay aad u wanaagsan tahay in la badiyo si sare loogu qaado kaalinta warbaahinta ee haweenka.
Gudoomiyaha Media Women Network, Nafisa Xirsi Oogle oo ka hadashay furitaanka tababbarka ayaa xustay baahida loo qabo in gabadhaha ay qeyb ka noqdaan maamulka warbaahinta “Tababbarkan sababta kalliftay ayaa waxay tahay sidii dumarku oga qeyb noqon lahaayeen maamulka warbaahinta qeybaha dhexe iyo qeybaha sare.
MWN waxay ka shaqaysaa sidii haweenka warbaahinta looga caawin lahaa inay sameeyaan hormar dhanka xirfadda maamulka ah, una fariisan lahaayeen miiska goáanka gaarista ee arrimaha warbaahinta dalka.
Doodaha iyo aqoon is-weydaarsiga oo qeyb ka ahaa tababbarkaa ayaa waxaa diiradda lagu saarayay caqabadaha ku hor gudban haweenka ka shaqeeya warbaahinta ee deegaannadda Galmudug, ka qeyb galayaashuna waxay isku raaceen in loo baahan yahay aqoon kororsi noocan oo kale ah.
Ujeedooyinka MWN ee barnaamijyada noocaan ah, in xirfadleyaasha u sinnaadaan shaqada maamuul iyo midda wax soosaar.
Media Women Network oo kaashanaysa hay’adaha IMS-FOJO, ayaa maanta (24-July-2022) u soo xirtay 10 haween ah tababbar socday sedex beri oo ku saabsanaa tababbarka tababbarayasha warbaahinta.
Tababbarkan ayaa ujeedku yahay in la helo haween bixin kara tababbarrada la xiriira dhanka warbaahinta si ay u qorsheeyaan una bixiyaan tababbarro ku saabsan hogaaminta iyo maamulka warbaahinta ee xarumaha warbaahinta iyo ururradadalka.
Gabdhahan ayaa ka kala socday gobolka Banaadir, maamullada Puntland, Koonfur-galbeed iyo Jubaland.
Haweenkan oo loo diyaarinayo inay si buuxda u noqdaan tababbarayaal warbaahineed ayaa sidoo kale qaatay casharro la xiriira hormarinta qofeed iyo tan wax qabad ee ku saabsan in ay tababbaraan haweenka warbaahinta ka shaqeeya ee ku sugan deegaannnada ay kala socdeen.
“Waxaan bartay sida loo qorsheeyo tababbarrada, waxaan bartay sida loo kala hormariyo qorshaha marka la diyaarinayo tababbarrada, sida loo maamulo dadka tababbarka la siinayo. Aniga wuxuu ii lahaa muhiimad gaar ah waayo wuxuu ku soo beegmay xilli aan u baahnaa, ma soo koobi karo waxyaabaha aan ka bartay, inkastoo wakhtiga uu koobnaa haddana aqoon fiican baan ka helay,” ayay tiri Shukri oo ku faraxsan inay qaadatay tabbabbarkan.
Tan ayaa billow u ah in haween badan ooo warbaahinta ka shaqeeya loo tababbaro inay noqdaan barayaal warbaahineed. Maamulka Media Women Network ayaa u arka in tani ay qab ka noqon karto xal u helidda cabaqadaha haysta haweenka ka shaqeeya warbaahinta.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah qorshayaasha Media Women Netwokr ay ku doonayso inay ku hormariso sidoo haweenku ay u muujin lahaayeen doorkooda warbaahinta.
Shukri Cabdisamad oo ka mid ah gabdhaha ka qaybgalay tababbarka ayaa sheegtay ay wax badan ka baratay inti uu socday.
Muqdusho: Tababbar socday sedex beri oo ay iska kaashadeen Media Women Network iyo UNSOM oo maanta la soo gabogabeeyay
Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Janaayo 2022 waxaan magaalada Muqdisho kusoo xirmay tababar aad u ballaaran oo abinta Tacadiyada jinsiga iyo daba-galka hannaanka loo maareeyo kiisaska noocaan ah ee ka dhaca Soomaaliya.
Tababarkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay afartan weriyeyaal ah oo ka kala socday xarumaha kala duwan warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho iyo kuwa qaar kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Tababar ku saabsan Tabinta Tacadiyada jinsiga iyo daba-galka hannaanka loo maareeyo kiisaska noocaan ah ee ka dhaca Soomaaliya.
Tabbarkan ayaa diiradda lagu saari doonaa cashiro kala duwan oo la xiriira hab tabinta xogaha ku saabsan tacadiyada iyo hannaan loo soo bandhigo, iyada la ilaalinayo bad-qabka saxafiga, sharafta dhibbanaha, ammaan deegaanka iyo shuruucda dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo daah furay tababarka ayaa yiri “Weryeyaashu waxa ay aad iyo aad oga qeyb qaadan karaan iney u tabiyaan dhacdadu sidey ahayd, iney qofkaaas dhiiragaliyaan, iney run ahaanteyda soo tabiyaan, hay’adaha sharciga, garsoorka iyo amnigana ay ka caawiyaan
dhacdada sidey u dhacday, taasina waxay keeneysaa dhacdooyinka jinsiga ee dhaca iney yaraadaan. Waxaana idin rajeenayaa inaad tababarka si wacan oga faa’iideysataan wixii aad ka barateyna aad ola noqotaan xarumiiina kuna dhaqmi doontaan,”.
Furitaanka Tababarka waxaa kale oo ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Xoghayaha FESOJ Mudane Faarax Cumar Nuur, xoghayaha ururka saxafiyiinta SOMA mudane Maxamed Cismaan Makaraan iyo agaasimaha guud ee hay’adda SWDC Marwo Sahra Maxamed Axmed oo muddo ka badan sodon(30) sano ka shaqeeneysay arimaha haweenka iyo tacaddiyada jinsiga.
Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeedisay Kafia Naleie oo ah isku-xiraha barnaamijisku xirka warbaahinta haweenka waxayna xustay in MWN ay u heellan tahay horumarinta haweenka ee dhanka warbaahinta, saddexdii sano ee la soo dhaafayna ay ku howlaneyd sidii haweenka loogu xoojin lahaa maamulka warshadaha warbaahinta.
Waxaan ka shaqeyneynaa kor u qaadista tayada suxufiyiinta, gaar ahaan gabdhaha saxafiyiinta ah, maanta waxaan halkaan u nimid inaan qabano tababarkaan ku saabsan ka warbixinta tacaddiyada galmada iyo daba-galka dacwadaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya, waxaan rajeyneynaa inay caawin doonto xirfaddooda iyo sida loo soo tebiyo kiisaska xadgudubyadagalmada.
Tababarka ayaa weriyeyaasha lagu siinayey Talooyin aasaasi ah oo ku saabsan qaabka loo wareysto dhibbanaha xadgudubka jinsi la kulmay, Farsamooyinka ururinta iyo ka warbixinta sheekooyinka tacaddiyada jinsiga iyo wadada loo maro hay’adaha sharciga ee nidaaminaya dembiyadan ee Soomaaliya iwm.
Waxaana sidoo kale loogaga dooday maalmihii aqoon-is-weydaarsiga sida waxa looga beddeli hab tabinta sheekooyinka tacaddiyada noocaan ah, ka qeyb-galayaashana waxa ay muujinayeen sida ay ugu hellan yihiin wax ka barashada casharrada kala duwan ee la xidhiidhay tacadiyada ka dhanka ah jinsiga ee lagu soo bandigay tababarka.
Three Days Workshop which has facilitated by Women Media Network with support from UNSOM.
Today 20 January 2022 we have Concluded a tremendous capacity building training in
Mogadishu. The training was about “training of journalists on reporting sexual violence and
following up of the handling of such cases in Somalia.
The workshop is participated by forty journalists draw from local media houses Mogadishu-
based and human right activists of both genders.
Basic Essential tips on interviewing survivor of sexual violence, Techniques of gathering and
reporting of sexual violence stories, Legal framework regulating the offense of sexual violence in
Somalia and. etc., there was some among the most effective sessions learned and discussed in the
days of the workshop. During the workshop the participants was imparted a various lesson
related on gender-based violence.
The Training was opened by the General director of information Culture and Tourism FGS
Abdullahi Hayir Duale who was a part of the invited Guest, said “Journalists can be very
involved in reporting on the cases, encouraging that victim, reporting on the truth, and assisting
law enforcement, the judiciary and the security services in dealing with the incident, which has
led to be less happen sexual violence. I hope you to take reward of the training and apply what
you have learned to your jobs,”.
Ms Sahra Mohamed Ahmed SWDC Director General was a member of the invited guests, who
has been working for the last three decades on women empowerment and some other
government officials and non-governmental organizations.
Also has speech there kafia Naleie the coordinator programme of Media Women Network and
she mentioned that MWN is dedicated to the development of women in the media, and for the
past three years has been working to empower women in the management of media industries.
“we are working capacity building for Journalist particularly female journalists, today we are
here to conduct this training on reporting sexual violence and following up of the handling of
such cases in Somalia, hopefully will help their career and how to report Sexual violence cases,”.
Safia Mohamed Noor Was Among the brilliant well participated individuals “As a woman, we
face a lot of harassment and abuse in the society due to the Somali culture such as: Mental abuse/
Financial abuse, Emotional abuse, physical abuse” said.
Ka shaqeynta soo gudbinta xogta iyo warka wuxuu noqon karaa shaqo khatar ah haddii aad ka
soo horjeedo kuwa awoodda leh, cilmibaarisyaduna sidaas oo kale ayey sheegayaan. Celcelis
ahaan, hal wariye ayaa la dilay 4-tii maalmoodba tobankii sano ee la soo dhaafay guud ahaan
caalamka.
Qaar badan oo ka mid ah saxafiyiintan ayaa lagu dilay dalal ay ka jiraan dagaallo iyo
dhibaatooyin amni oo ay Soomaaliya kamid tahay. In ka badan 12,000 oo saxafiyiin ah ayaa la
dilay intii u dhaxaysay 2006 iyo 2020 iyaga oo shaqadooda gudanayay sida ay tabineyso
hay’adda UNESCO.
Hay’addaan oo ururisa xogta saxafiyiinta la dilay ayaa sheegtay in gacan-ku-dhiiglayaasha ay si
xor ah u socdaa ama u noolyihiin 9 ka mid ah 10 kiis. Tirakoobyadani ayaa muujinaya
xorriyadda la’aanta warbaahinta.
Si kor loogu qaado wacyiga iyo qaabaynta habka looga hortagayo dhacdooyinkan, Golaha
Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 2-da November maalinta caalamiga ah ee
joojinta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah weriyayaasha.
Qaraarkan oo soo baxay sanadkii 2013-kii,kaliya ma cambaareynayo dhammaan weerarrada
dilka ah ee ka dhanka ah saxafiyiinta balse wuxuu sidoo kale ku boorrinayaa dhammaan
waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey inay suxufiyiinta ka ilaaliyaan khataraha
noloshooda iyo in la hubiyo in dhibanayaashu ay helaan daryeelka loo baahan yahay.
Sido kale waxa uu qaraarkan codsanaya in dowladuhu u ogolaadaan wariyeyaasha inay
tabinayaan xogaaha, iyada oo la siinayo degaan nabad ah si ay u gutaan shaqadooda caadiga ah
nooc kasta oo tahay iyada oo ay faragalin lagu ahayn.
Sannadkan, maalinta caalamiga ah ee joojinta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah
suxufiyiinta waxay diiradda saareysaa adeegyada xeer ilaalinta iyo maxkamadaha, taas oo looga
gol-leeyahay in si qoto dheer loo eego baadhista iyo dacwaynta dhammaan falalka ka dhanka
wariyeyaasha sida hanjabaadaha rabshadaha, afduubka, jirdilka, dhibaataynta, iyo dhibaataynta
internetka ah ee loo geysto saxafiyiinta, balse aan diirradda la saarin dilalka qorsheesan oo kaliya.
Caqabadaha u gaarka ee ay la kulmaan dhowrkii sano u dambeyey wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa iskugu jira kuwa kaga yimaadda maamullada ka taliya goobaha ay ka shaqeeyaan, xarumaha ay ka shaqeeyaan oo mararka qaar ma helaan mushaharaadkoodii caadiga ahaa iyo in aan loo tixgalin duruufaha haysta.
Waxaa adag helista wararka xarumaha maamulka dowladda taas culeys ku ah shaqada weriyaha
ka sokow la harjadka deegaanka iyo amni darrida ay ku shaqeyaan.
Gabadhaha weriyayaasha ah ayaa ah kuwa ugu badan ee lagu dhibaateeyo dhanka internetka, iyada
lagu tilmaamayo in ay tahay nooc kamid xad-gudubyada kufsiga.
dhibaatooyinkaas waxay caqabad ku tahay shaqada weriyaha waxayna abuuraan jawi aan afkaarta
iyo hadalku si xor ah ugu socon karin. Tani waa sababta maalintan oo kale looga baahan yahay si
loo ilaaliyo loona xoojiyo xirfadlayaasha warbaahinta adduunka oo dhan.
Media Women Network in collaboration with IMS-FOJO, today (-1-Sep-2021), conducted a
two-day training for 12 women from various media sectors in Baidoa.
Women in Leadership and media management is part of this year’s Media Women Network project in different cities. Women are being taught how to be part of the leadership of media industries, media
organizations, and how to take part in discussions about media decision-making.
Speaking at the opening of the training, Kafia Naaleeye, coordinator of the project, said it was
the second time such training had been taken for female journalists in Baidoa.
The Media Women Network, which launched in 2018, has changed a lot for many women who
have joined the media administration today, although they have not yet reached the desired level.
Baydhabo: Tababbar ku saabsanaa awoodsiinta hogaanka ee haweenka warbaahinta oo maanta furmay
Ururka Media Women Network oo kaashanaya hay’adaha IMS-FOJO, ayaa maanta (-1-Sep-
2021, tababbar soconaya laba maalmood u qabtay 12 haween ah oo ka kala socda qaybaha kala
duwan ee warbaahinta ee magaalada Baydhabo.
Tababbarkan oo ku saabsan awoodsiinta haweenka ee dhanka hogaaminta iyo maamulka warbaahinta ayaa qayb ka ah mashruuc sanadkan ay magaalooyin kala duwan ka fulinayso Media Women Network.
Waxaa lagu barayaa haweenka sidii ay qayb uga noqon lahaayeen hogaaminta xarumaha
warbaahinta,ururrada warbaahinta, sidii ay qayb uga qaadan lahaan wada hadallada ku saabsan go’aaminta arrimaha warbaahinta.
Kaafiyo Naaleeye oo ah xiriiriyaha mashruucan, oo ka hadashay furitaanka tababbarka ayaa
sheegtay in ay tahay markii labaad ee tababbar noocaan ah loo qabto weriyayaasha dheddigga ah
ee magaalada Baydhabo.
Tababbarrada noocaan oo Media Women Network, soo billowday sanadki 2018-ki ayaa wax
badan ka badalay haween badan oo maanta ku biiray maamulka warbaahinta, in kastoo heerki la rabay aysan wali gaarin.
Shabakadda Media Women Network ayaa maanta soo gebo-gabasay tababar socday ku dhawaad hal sano, oo ay ka qaybgaleen 11 haween ah oo kala socday qayabaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliya.
Tababarka oo lagu baranayey hogaaminta wanaagsan ee warbaahinta iyo sida ay haweenku qayb uga noqon lahaayeen ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Media Women Network iyo WIN_IFRA, waxaan taageeray Hay’adaha IMS-Fojo qaybtooda hormarinta warbaahinta Soomaaliya.
Xamdi Xasan Yuusuf oo ah xoghayaha Medi Women Network iyo xiriiryaha barnaamijka Women In News ee Soomaaliya ayaa sheegtay in haweenka ka qayb galay barnaamijkan ay noqdaan tababarayaal buuxa oo oo khibaradooda looga faa’ideysto inay baraan gabadhaha kale ee ku jira warbaahinta dalka, tan oo ah fursad aysan horay u haysan gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta qeybaheeda kala duwan iyo kuwa soo galaya..
“Waxay ahayd tallaabo aad loogu baahnaa in la helo gabdho noqon kara tababaryaal, koojaj, la taliyaal iyo hagayaal lagu daydo oo aqoon iyo xirafad buuxda u leh inay ka taageeraan haweenka kale meelaha ay u baahan yihiin in laga caawiyo,” ayay tiri Xamdi oo aad ugu kalsoon in tani ay billow u tahay isbadel ku yimaadda habka shaqo ee warbaahinta dalka gaar ahaan dhanka hogaaminta iyo maamulka.
Waxyaabaha sida gaarka ah loogu tababaray gabdhan ayaa ah xirfadaha la talinta, xirfadaha hagidda qof ahaaneed, sinanta labka iyo dhegidda ee fursadaha iyo hogaaminta, dhaqaalaha, qorshaha nolaleed ee shaqsiga iyo hiigsiga fog, xirfadaha hogaaminta iyo kuwa kale oo muhiim ah.
Kajsa Tornroth oo ka socotay hay’dda FOJO, oo ka soo qaybgashay xiritaanka barnaamijka ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay maanta aragto haween u diyaarsan inay qabtaan howlo muhiim oo aan horay uga jirin warbaahinta Soomaaliya, taas oo ah guul u soo hoyatay guud ahaan warbaahinta iyo haweenka.
Manja Kamwi oo IMS u qaabilsan hormarinta warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegtay in u jeedkooda uu yahay in la helo warbaahin isku dheelitiran taas oo ay kasoo wada muuqdaan lab iyo dhedig.
Jane Godia oo u hadashay Wan-ifra, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in muddo sanad ah ay soo saareen tababarayaal iyo la taliyayaal warbaahineed oo dabooli kara kaalin bannaanayd.
Qaar ka tirsan gabdhaha ka qaybgalay tabababarka oo socday sideed bilood oo xiriir ah,oo soo bandhigay aqoonta iyo khibradda ay ka korarsadeen ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay billaabaan tababarro ay siiyaan haweenka kale ee ku jra warbaahinta si uga caawiyaan inay ka gudbaan caqabado badan oo ka soo gudbeen.
TABABAR KU SAABSAN HOGGAAMINTA WARBAAHINTA OO LOO QABTAY 12 HAWEEN AH OO WERIYAYAAL AH
Garoowe, 4-5 April, 2021: Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa maanta lagu soo gabogabeyay tababar socday labo maalmood oo lagu baranayey hoggaaminta Warbaahinta, kaasoo loo qabtay 12-haween ah oo ka howlgala xarumaha Warbaahinta Garowe.
Tababarkan waxaa iska kaashanayey hay’adaha Media Women Network iyo IMS-FOJO, waxaanna diiradda lagu saarayey tababarka awoodsiinta Gabdhaha weriyayaasha ah, si ay door wanaagsan ugu yeeshaan hoggaaminta qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, iyadoo kor loo qaadayo xirfadahooda hoggaaminta, wada xaajoodyada, wada hadalka, maamulka iyo maaraynta shaqada warbaahinta.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane oo khudbad ka jeediyey xiritaanka tababarka ayaa ku bogaadiyey Media Women Network dadaallada joogtada ah ee ku qotoma kor u qaadidda tayada iyo xirfadda Gabdhaha weriyeyaasha ah, si ay qeyb uga noqdaan hoggaaminta xurumaha warbaahinta.
“Waxaan dhiirrigelinaynaa aqoon is waydaarsigan ku saabsan xoojinta doorka hoggaamineed ee Gabdhaha weriyeyaasha ah. MAP ahaan waxaan u taaganahay in Gabdhuhu kaalin ku yeeshaan hoggaaminta warbaahinta, ogaadanna si kasta oo qofka loo caawiyo, haddii aysan jirin ka go’naasho dhankiisa ah, macno badan u samayn mayso caawimaaddu,” sidaa waxaa yiri guddoomiye Maxamed Daahir Caynsane.
Dhanka kale, Faadumo Ladan oo ka mid ah gabdhihi ka faa’iideystay tababarkan ayaa sheegtay in uu wax badan ka bedelay tababarka xirfadeeda warbaahineed, iyadoo xustay in hadda ay ku han weyntahay in door muuqda ay ku yeelato hoggaaminta qeybaha kala duwan ee Warbaahinta.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah barnaamijyo dhowr ah oo ay Media Women Network, kor ugu qaadeyso tayada aqooneed ee gabdhaha weriyeyaasha ah, gaar ahaan xirfadaha hoggaaminta, maamulka, wada xaajoodyada iyo xallinta khilaafyada oo lagu qaban doona qaar ka tirsan magaalooyinka waaweyn ee dalka.