Maanta oo kaliya waxay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka 36 kiis oo COVID19 ah, taasi waxay caddayn u tahay in cudurka ku faafaya dalka. Haddaba haddii aad isku aragto calaamadaha Caronavirus-ka fadlan gurigaada joog oo iskarantiil si aad u badbaadiso dadka aad la nooshahay.
MWN
Waxaa muuqata in kiisaska cudurka dunida aafeeyey ee CARONAVIRUS-ka ay sii kordhyaan maalinba maalinta ka dambaysa. Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah, oo warbixin maalinlaha siisa warbaahinta ayaa mar walba dadka u sheegta inay taxadaraan. Fawzia Abiikar oo ah wasiirka wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in kiisaska cusub la helo maalin kasta. Sidaa darteed waa muhiim in shacabku raacaan talooyinka ay bixinayaan dhaqaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka. Shabakadda Media Women ayaa dhankeeda diyaarisay farrimo taxane ah oo dadka loogu sheegayo inay ku dedaalaan ka hortagga cudurkan.
Farxiyo Maxamed Yuusuf oo ah weriye ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqtay maamulka TV-ga Somnews.
Farxiyo oo ka mid ahayd 14 gabdhood oo ka faa’ideystay tababar ay fulisay Media Women Networ sanadihi 2018-2019- oo ay maalgaliyeen IMS-FOJO laguna baranayey sidee Haweenka warbaahinta ka shaqeeya uga qayb noqon karaan hoggaaminta warbaahinta? ayaa khibraddii ay ka heshay tababarka ay u sahashay in ay halkan soo gaarto.
Farxiyo hadda waa madax shaqada iyo shaqada iyo shaqaalaha, iyo madaxa wararka ee TV-ga Somnews ee magaalada Muqdishu.
Waxay mas’uul ka tahay dhammaan waxyaabaha la xiriira wararka maalinla ah, waxay shaqada u kala dirtaa oo ay si joogta ah u maaraysaa weriyayaasha xarunta, waxay ogaataa dhammaan waxa ka baxaya TV-ga ee la xiriira wararka iyo xogahooda.
“Howl fudud maaha in dad la maamulo waxay u baahan tahay mas’uuliyad dheeraad ah, waxaan ogaadaa howlaha kala duwan ee ay qabanayaan shaqaalaha, waxaan ogaadaa xaalka shaqaalaha, qaabka ay u socoto shaqada iyo culaysaadka jira”
Farxiyo Maxamuud ayaa warbaahinta ka shaqaynaysa muddo sagaal sano ah waliba dhanka TV-yada ayay u badnayd. Waxay soo qabatay shaqooyin kala ah war akhriye,War-doone iyo Barnaamij Soosaare.
“ Marki aan qaatay tababarka Medi Women Network ayaan billaabay in aan isbadal ku sameeyo qaabka aan u shaqayn jiray, waxaan ogaaday in aan ku biiri karo maamulka warbaahinta, khasab maahan in durba aan meel sare ka billaabo laakiin waa tillaabo aan horay u qaaday waxaana suldhig u ahaa inan heerkan imaado fursaddii tababar ee aan ka helay MWN”
Tabarbarka oo ay maalgaliyeen hay’adaha International Media Support (IMS) iyo Fojo ayaa ahaa laba waji, kii hore ayaa dhacay sanadki 2018 halka wajiga labaadna uu dhacay sanadki 2019 waxaan ka faa’iiday in ka badan 80 Gabdhood oo ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee warbaahinta kuwaas oo ku sugan Somalia iyo Somaliland.
Faraxiyo oo qaybtii koobaad ka qayb gashay ayaa tiri
“ Gabdhaha warbaahinta ka shaqeeya waxaan u sheegayaa in ay iska dhisaan dhanka aqoonta oo ay iska leexiyaan caqabadaha ah in haweenku aysan ka qayb qaadan karin hoggaaminta warbaahinta qaybaheeda kala duwan”
Xasan Kaahiye oo ah, agaasimaha Somnewstv, ayaa sheegay in Farxiyo ay ku xusheen aqoonteeda iyo dedaalkeeda, ayna ku qanacsan yihiiin ka maamul ahaan in ay ka soo bixi karto shaqadan loo dhiibay, ayna ka filayaan isbadal in ay keento.
Afar iyo tobanki bishi Maaj 2020, ayaa loo magacaabay booskan Farxiyo oo ah gabar da’a yar. Faxiyo waxay ka mid tahay dhawr dumar ah oo dhawaan ku biiray mamaulka warbaahinta.
Halkan ka daawo muuqaal ayay kaga warramayso shaqada ay qabato iyo sida ay ku gaartay.
https://www.facebook.com/MediaWomenNetwork/videos/213188633346658/
Members ka iyo Saaxiibada Media Women Network Halkaas ayaa inoo balana.
Media Women Network waa Shabakad ay ku mideysanyihiin gabdhaha ku jira warbaahinta. waxa ayna ka shaqeysaa u qareemidda, awood-siintooda iyo xirfad dhiska gabdhaha Soomaaliyeed haba ugu badnaadaan kuwa Warbaahinta ku jira’e.
#SYTF2020
Tababbar ay ka qaybgalayaan 12 Haween ah, oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta laguna baranayo hogaaminta iyo maamulka warbaahinta ayaa ka furmay maanta (30-Nov-2019,) magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Tababbarka waxaa soo qaban qaabisay Media Women Networka, tababarkan oo laba maalmood soconaya ayaa waxaa taageeraya hay’adaha IMS iyo FOJO, oo ka shaqeeya hormarinta warbaahinta Soomaaliya. Waxaa si ggaar ah loogu barayaa haweenka sida ay uga mid noqon karaan hogaanka warbaahinta, isku dheelitirnaanta sheekooyinka labka iyo dhedigga, sidee u raadan karaan xaqooda dhan walba, sidee wax looga badali karaa haweenka ka shaqeeya warbaahinta ee aan wali ka gudbin war-akhrinta iyo barnaamijyada maddaalada.
Furitaanka barnaamijka waxaa ka soo qaybgalay wasiirka haweenka ee dowlad goboleedka Jubbaland, Marwo Qamar Deeq Khaliif iyo wasiirka warfaafinta, Cabdi Xuseen Sh. Maxamed.
Cabdi Xuseen Sh. Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Waxaan MWN uga mahad celinaynaa hawshan quruxda badan ee ay wadaan, laakiin waxaan ka codsanayaa in ay joogteeyaan dhiirigalinta haweenka saxaafadda ka shaqeeya oo aysan noqonin tababbarkii ugu horreeyey” Wasiirka Haweenka Jubbaland Marwo Qamar Deeq Khaliif ayaa dhankeeda tiri “Waxaa muhiim ah in haweenka suxufiyiinta ah ay isku duubnaadaan sidoo kalana isku tiirsanaadaan si ay doorkooda warbaahineed u muujiyaan. Xuquuqda haweenka ayay ka mid tahay in dumarka la tababbaro si xirfadooda u hormarto”
Media Women Network, waxay dedaal ugu jirtaa sidii isbadal dhab ah loo gaari lahaa, haddaba si taas looga dhabeeyo waxaa muhiim in la helo hannaan haweenka lagu dhiirgaliyo si ay uga baxaan xaaladda ay hadda ku shaqeeyaan.
“Tababbarkaan wuxuu noo yahay muhiim haddii aannu nahay gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta Jubbaland, sababtoo ah waxaa uu sare u qaadayaa kalsoonida iyo hamiga shaqo ee hablaha, waxaa uu sidoo kale fursad siinayaa inay gabdhuhu awood Maamul iyo hogaamin yeeshaan,”. Najmo Cismaan oo ka tirsan weriyayaasha magaalada Kismaayo ayaa sidaa tiri.
Today 30-Nov-2019 opened A training course for 12 women from different sectors of the media
who are being trained on leadership and media management, in Kismayo, the capital of Lower
Juba region.
This two-day training organized by Media Women Network and supported by IMS and FOJO,
which are working Somali media organization development. But this workshop specifically
teaches women how to be involved in media leadership, balance male and female stories, how
could get their rights in all workplace, and how to change women working in the media who
have still working on news reading and entertainment programs.
It was attended by the Minister of Women’s Affairs of the Jubaland State, Ms. Qamar Dek
Khalif and the Minister of information, Abdi Hussein Sh. Mohamed.
Abdi Hussein appreciated the organizer and said, “We thank MWN for this wonderful work,
but I recommend them to continue to encourage female journalists and not be the first to be
trained,”.
The minister of women’s affairs Ms. Qamar has talked there for her part said, “It’s valuable that
women journalists unite and rely on each other to take their role in the media, this is part of the rights of women to get trainings that to develop their careers/skills,”.
Somali female journalist most of them are working unsustainable situation which couldn’t get their rights.
“This training it is important for us as female journalist in Jubbaland, because it would be rise up, the self-confidence and job ambitions for Women, at the same time it might give a women the opportunity would have the power to lead and management”. Najma Osman one of trainees.
Media Women Network is paying effort to get real change about women professionals in
media, so to do that it is important to encourage them to find out of their current situation and
then get out.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay maanta (19-Nov-2019-ka) waxaa ka furmay tababbar
hal maalin oo ku saabsan sida haweenka ka shaqeeya warbaahinta ay ugu biiri karaan maamulka
iyo hogaaminta xarumaha warbaahinta.
Tababarka waxaa ka qaybgalaya 12 haween ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee
warbaahinta. Tababbarka oo ay soo qaban qaabisay Media Women Network ayaa dhaqaalaha waxaa ka taageeray hay’adaha IMS iyo Fojo. Furitaanka waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Khayrre Cali Isaaq.
Wuxuu sheegay in tababbarkan ku saabsan maamulka iyo hogaaminta ee loo qabtay haweenka
warbaahinta ka shaqeeya uu yahay kii ugu horreeyey ee ka dhaca magaalada Baydhabo, taasi oo
uu ku tilmaamay inay tahay fursad muhiim ah.
Shukri Bidhaan oo ka mid ah haweenka ka qaybgalaya tababbarka ayaa sheegtay in maanta ay
tahay maalin cusub oo ay baranayaan casharro cusub oo dhiirigalinya haweenka ka shaqeeya
warbaahinta oo aan horay u helin jirin barnaamijyadan oo kale.
“Waan ku faraxsanahay in maanta aan qaato tababbar la xariira maamulka iyo hogaaminta oo aan
wax badan raadin jiray in aan helo, anigu waxaan doonayaa in aan mustaqbalka noqdo wasiir,
riyadeyda wuxuu ka dhigayaa tababarkan in aan qaado tillaabada koobaad oo aan ku raadsan karo waxa aan
doonayo, mahadsanid Media Women Network,”. Sidaa waxaa tiri Shukri Bidhaan.
Kaafiya Naaleeye oo ah agaasimaha Media Women Networka ee tababarrada, ayaa sheegtay in u
jeedka laga leeyahay tababbarkan uu yahay in kor loo qaado aqoonta, xirfadda iyo in dumarka la
tuso inay awoodaan inay qaban karaan hogaaminta iyo maamulka warbaahinta oo ay hadda aad
ugu yaryihiin.
“Waxaan u baahannay isbadal ah in haweenku warbaahinta hogaamiyaan, taasi
waxay sahalaysaa in la helo isku dheelitirnaanta sheekooyinka laga sameeyo oo hadda u
muuqda inay ragga ay u badan yihiin, codka haweenkana uu aad ugu yaryahay warbaahinta,”. Ayay tiri Kaaifyo.
Haweenka ayaa la barayey sidii ay u hadli lahaayeen oo ay u raadsan lahaayeen wax ay u baahanyihiin, inay ka doodaan shirka ay yeeshaan xarumaha warbaahinta si ay u soo bandhigaan in si siman loo wadaago guud ahaan shaqooyinka.
Media Women Network, ayaa ku dhawaad 70 gabdhood u tababartay hogaaminta iyo maamulka
tan iyo 2018-ki ayada oo taageero ka helaysa hay’adaha IMS iyo FOJO.
Today 19 November 2019 is opened one day training that is concerned about how women
working for media to join leadership and management.
This training is taken part with 12 women who is coming from different sectors of media. This workshop was organized by media women network and supported by IMS and FOJO.
The opening ceremony is attended by Kheire Ali Isaq, who is the general director of ministry of media of public in south-west state Somalia and he mentioned this training concerned with leadership and management for Women is the first train which occur in Baidoa and also he pointed out it’s an important opportunity.
Shukri Bidhan, one of the women participating in the training, mentioned today is a new day for
them to learn new lessons that inspire women working in the media who have never had access to such programs before. “I am very glad today to be part this workshop about leadership and management that I was searching a lot, in my dream I want to became minister this training will make my dream, and the first step that will help me to search what I want thanks to MWN”. Shukri Bidhan.
Kaafiya Naaleeye who is the manager of specifically trainings for media women network also
talking importance of the this training and said “that the main concern of this workshop is to upgrade women’s knowledge, skills and showing their ability to make leadership and management with media and now is less. we need the change that women will lead the media, this one makes easy to get balanced stories made and now it seems that men are leading the majority, women’s voices of are less common now in media”.
Ladies were trained the way to talk and to search for what they want and how to take part discussions in their organizations, meetings for media by showing them that they want to share a balance with all work with all general work. In 2018, The media women network has trained around 70 ladies and trained for them leading and managing and for getting help with IMS and FOJO.
Puntland: Training of Increase the number of women in middle and senior management positions of Somalia media houses:
Garowe, 17- October, 2019: This training conducted Increase the number of women in middle and senior management positions of Somalia media houses. The training was holding 12 women journalist works in media houses in Garowe, and trained which has been focus on Media Management and leadership to empowering young female journalists to join top positions in the media industry and to play key role in the media houses particularly within management. This training was one -day.
The training, implemented by Media Women Network with support from IMS and FOJO,
The training focus on leadership, media management, gender balancing, career planning work, developing planning and formulating policies of media sectors that reflect equality in the workplace, managing people, communication and negotiation skills.
Opening speakers of the training, Secretary General Nacimo Muse Dallaf said women can lead in any sector but need to be given the opportunity to show their potential.
“ Leadership is equal for men and women depends on how everyone uses their talents, knowledge and career. I urge you to play your role in leading Somali women,” said Nacima Muse Dallaf, secretary of Puntland Journalists Association. (MAP).
Namco Hassan Bakal, one of the participants who benefited from the training Increase the number of women in middle and senior management positions of Somalia media houses, pointed out that the training came at a time when there was a great need for real change in the way media outlets operation.
“This training is a golden opportunity for me, and I hope it will change my career path and my ambition to manage the media sector, I have gained in particular in terms of the training such, knowledge, skills And it has built my self-esteem This was stated by Nimo Hassan Bakal.
Media Women Network, based on working developing and empowering for women to empower significant efforts to play an important role in the leadership, and management of media houses.
Garoowe: TABABAR KOR LOOGU QAADAYO XIRFADDA GABDHAHA WERIYEYAASHA AH OO LAGU QABTAY GAROWE
Garowe, 17- October, 2019: Tababar ay ka qeyb-gelayaan 12 gabdhood oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee warbaahinta laguna baranayo kor u qaadidda xirfadda gabdhaha weriyeyaasha ah si ay ugu biiraan maamulka iyo maareynta warbaahinta ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Tababarka oo ay qabanayso Media Women Network oo taageero ka helaysa hay’adaha IMS iyo FOJO, ayaa waxaa lagu baran doona hoggaaminta, maareynta warbaahinta, isku dheelitirka shaqada warbaahinta ee lab iyo dhedig, horumarinta qorsheyaash, dejinta siyaasado ka tarjumaya sinnaanta shaqada dhexdeeda, maamulidda dadka, xirafadaha wada hadalka iyo wada xaajoodyada.
Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Naciimo Muuse Dallaf oo hadal ka jeedisay furitaanka tababarka ayaa sheegtay in haweenku ay hogaamin karaa qayb kasta oo loo dhiibo balse ay u bahaan yihiin in la siiyo fursad ay awooddooda ku soo bandhigaan.
“Hoggaamintu waa wax loo siman yahay rag iyo dumar, waxayna ku xiratay sida qof walba uga faa’iideysto kartidiisa iyo aqoontiisa, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad doorkiina muujisaan si aad hormuud ugu noqotaan gabadhaha kale” sidaas waxa tiri Naciima Muse Dallaf Xoghaya Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP.
Sido kale, Nimco Xasan Bakaal oo ka ka tirsanayd ka qayb galeaaasha tababarka ka faa’iideystay ayaa sheegtay in tababarka uu ku soo aadday xilli baahi weyn loo qabay in isbedel dhab ah laga sameeyo hannaanka ay u shaqeeyaan xarumaha hoggaanka warbaahinta.
“Tababarkan wuxuu aniga ii yahay fursad dahabi ah, waxaana rajaynayaa in wax uu ka bedeli doona xirfadayda shaqo iyo hamiga fog ee aan ka leeyahay in aan maamulo warbaahinta, waxyaabaha aan sida gaarka ah, uga helay waxa ka mid ah kalsooni, aqoon iyo xirfad,” sidaa waxaa tiri Nimco Xasan Bakaal.
Media Women Network oo ka duuleyso qorsheyaasha hormarineed ee awoodsiinta haweenka ayaa dadaal muuqda ku bixinayso sidii ay kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta, jiheynta shaqada, maamulka iyo maareynta Warbaahinta.